Allaha u naxariistee Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandgiga Soomaliya ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.
Aaska qaran ee Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Shiikh maxamuud, Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari, madaxweynaha Jubba-land axmed Maxamed Maxamed Aslaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan. Ku simaha Madaxweynaha Galmudug ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi Carebey iyo Mas’uuliyiin kale.
Mas’uuliyiinta goobta ka Hadlay ayaa ku tilmaamay Marxuum Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar mid dalkiisa hooyo wax badan usoo qabtay islamarkaana ay Taariikhda xusi doonto waqti walba.
Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa ku geeriyooday bishaan Gudaheeda Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.
Marxuumka ayaa xilal kasoo qabtay Dowladii Dhexe ee soomaliya. Xilalkii uu soo qabtay waxaa ka mid ahaa Madaxweyne ku xigeenka dalka, Wasiirkii Gaashaandhiga, Taliyihii ciidamada Qalabka sida, Ra’iisul Wasaaraha dalka isaga oo haystay Darajada ugu sareysa ee ciidamada Qalabka sida Somaliya oo ah Sareeyo Guud.





