Siyaasiga Cali Seeko oo ka Digay in Shaqsiyaad Gaar ah ku Danaystaan Lacagaha Laga Helo Kaarka Aqoonsiga

0

Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax Seeko oo  u Waramay Idaacada Simba ayaa ka Digay in Shaqsiyaad gaar  ah ku Danaystaan dhaqaalaha ka Soo xaroonaya Kaarka Aqoonsiga Dowlada Hoose ee Xamar  oo Dhawaan uu maamulka Gobalka Banaadir iyo Taliska  Ha’yadda Nabad Sugida ku Soo saareen amar Faraya Bulshada Gobalka Banaadir inay qaataan.

Siyaasi Cali Seeko ayaa Sheegay in Kaarka Aqoonsiga Dowlada Hoose ee Xamar uu Gacan  ka Geysanayo Sugida Amaanka Caasimada Muqdisho bale walwalka Jira uu yahay in lacagta laga qaadayo Bulshada Soomaaliyeed Daruuraha  kala Duwan ku jira in loo Adeegsado qaab aan Shariga Ehel u aheyn islamarkaana waxuu Xusay in ay Suurtagal Noqon karto in lacagahaas loo isticmaalo Olalaha Doorashooyinka ee ay ku jiraan Xubnaha u tartamaya Kuraasta kala Duwan ee Golayaasha Dowlada Soo Socota.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here