Joseph Nkaissery :-“Dib u Celinta Qaxootiga Somaliyeed ee ku jira Xerada Dhadhaab Waa Mid Shaki ku jira”

0

Wasiirka arrimaha Gudaha ee dalka Kenya Joseph Nkaissery ayaa sheegay in dib u celinta qaxootiga Somaliyeed ee ku jira xerada dhadhaab uu yahay mid shaki ku jira, waxa uu yiri “in kastoo   la go’aamiyay in  la dhaqan geliyo xiritanka xerada dhadhaab hadana waxaa lagama maarmaan ah in la dabaqo axdiyada iyo nidaamyada u yaala Qaramada Midoobe.

Nkaissery ayaa sheegay in dawlada Kenya ay iska taagtay mowqif cad dib u celinta qaxootiga welina ay socdaan wada hadalo ku saabsan arrintaas.

Waxa uu intaas ku daray  inkastoo bisha November uu ku egyahay waqtiga ay ku heshiiyeen Dowlada Somaliya, Qarmada Midoobay, iyo dawlada Kenya  haddana ayadoo oo aysan wax badan qabsoomin lagu dhowyahay waqtigaas.

Wasiir Nkaissery, ayaa ugu dambayntii waxa uu xusay in madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta uu hogaamin doono wafuud ka socota dalka Kenya kuwaa oo ka qayb gelidoona fadhiga Golaha Guud ee Qaramada midoobay halkaas oo Kenya ay geyn doonto qadiyada kusaabsan dib u celinta qaxootiga Soomaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here