Ciidamada sida gaarka ah u Tababaran ee dowlada Kenya ayaa Howgal ay ka sameeyeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa ay gacanta kusoo dhigeen ilaa iyo 4 Askari kuwaas oo xilliga la soo qabanayay gacanta kula jiray Hub dowladdu leedahay oo ay si sharci daro ah u iibinayeen.
Saraakiil ka Tirsan ciidamada Kenya oo warbaahinta Kenya la Hadlay ayaa sheegay in askarta lasoo qabtay ay ka Tirsanaayeen Ciidamada Malatariga dalka Kenya islamarkaana ay ku howlanaayeen iibinta hubka dowlada loo keeno, sida Qoryo, Bastoolado iyo Bambooyin.
Askarta la qabtay ayaa sidoo kale looga shakisan yahay in ay xiriiri hoose la leeyihiin Xarakada Shabaab, waxaana looga shaki qabaa in dhowr jeer oo hore ay Hub iyo agab kale oo ciidan ay iibiyeen sida saraakiil kenyaan ah sheegeen.
Dhanka kale Amaanka dalka Kenya ayaa si weyn loo adkeeyay xili maanta uu gaaray Xoghayaha arimaha Dibada dalka Mareykanka Mr John Kerry kaasi oo la kulmi doona Madaxda dowlada Kenya iyo Wasiiro Arrimo dibadeedyo.

