Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada Qaraxyo Labo ahaa oo maanta barqadii ka dhacay Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee dhanka Maamulka Puntland.
Afhayeenka dhanka Howlgalada Xarakada Al-shabaab Shiikh Abdiasis Abu Musab ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters, in qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo in ay Fuliyeen dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.
Shiikh Abdiasis Abu Musab ayaa tilmaamay in qasaaro lagu gaarsiiyay qaraxyadaas Askar ka Tirsan Ciidamada Maamulka Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
“Waxaa jirey Labo qarax oo gaari loo adeegsaday aan ku weerarnay Magaalada Gaalkacyo”, ayuu yiri Afhayeenka dhanka Howlgalada Xarakada Al-shabaab abuu Muscab.
Ilaa Hadda ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Puntland.

