Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyada ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo ee  Gobolka Mudug+Sawirro

0

Inta la xaqiijiyay dad kor u dhaafaya 10-ruux ayaa ku dhimatay tiro intaas ka badana way ku dhaawacmeen kadib markii Labo qarax lagu weeraray Xarunta Dowladda hoose ee Magaalada Gaalkacyo oo ku taalo Suuqa Xero Dayax ee Magaaladaasi.

Qaraxa koowaad ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala galay Xarunta Dowladda hoose ee Magaalada Gaalkacyo oo ku taalo Suuqa Xero Dayax waxaa halkaas ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ahaa oo ku sugnaa suuqa.

Qaraxa labaad oo gaari miineysan loo adeegsaday ayaa lagu weeraray  isla Xarunta Dowladda hoose ee Magaalada Gaalkacyo xilli dadka ay ku soo yaaceen Qaraxii hore oo ka dhacay Suuqa Xero Dayax gudihiisa, waxaana halkaasi Khasaare ka soo gaaray dad badan.

Dhanka kale qaraxa Labaad ayaa waxaa kasoo baxaya warar is qilaafsan wararka qaar ayaa sheegaya in miino lagu aasay xarunta Suuqa Dayax in la qarxiyay markii dadka ay kusoo Yaaceen suuqa, kadib markii uu qaraxa koowaad dhacay.

Dadka ugu badan ee waxyeelada ka soo gaartay qaraxaasi ayaa la sheegayaa inay yihiin haween ka dukaameysanaayay Suuqa Xero Dayax oo ah Suuqa ugu weyn Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xarunta Dowladda hoose ee Gaalkacyo ee qaraxyada  lala beegsaday in maanta uu ka furmi rabay Shirka Golaha deegaanka Dowladda hoose ee Maamulka Puntland.

Radio Simba Radio Simba Radio Simba Radio Simba Radio Simba Radio Simba

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here