Rag Lagu Eedeeyay in ay La Shaqeynayeen Al shabaab oo  Lagu Xiray Dalka kenya

0

2 nin oo ka tirsan shaqaalaha  Hay ‘ada National Social Security Fund (NSSF) ayaa lagu xiray degmada Isiolo kuwaas oo lagu tuhmay in ay Al shabaab Dhalinyaro u Tababarayeen.

Ragaan ayaa waxaa ay ka mid ahaa shaqaalaha NSSF Xarunta ay ku leedahay Isiolo waxaana da’dooda lagu sheegay 29-sano jir kuwaas oo kasoo jeeda degmooyinka Wajeer iyo Gaarisa ee Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya.

Xafiiska dambibaarista degmada Isiolo  Sargaalka hogaamiya oo lagu magacaabo  Peter Ndubi ayaa tilmaamay in Boolisku ay wadaan baaritaano laxriira dadka eedeysanayaasha ah ee laxiray kuwaas oo lagu eedeeyay in ay guryahooda iyo madarasooyin ay ku tababarayeen Dhalinyarada Magaalada Isiolo.

Booliska deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in 6 dhalinyara ah horay loo tababaray in ay lashaqeeyaan Xarakada Al shabaab.

Saraakiisha ammaanka ayaa xusay in ay xoojiyeen olole ay sheegeen in ay uga hortagayaan xagjirnimada waxa ay ku sheegeen iyo ku biiritaanka Xarakada  Al shabaab.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here