Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya Ayaa faah-faahin ka bixisay Howlgalo maalmihii dambe Ciidamada dowlada soomaliya ay ka sameeyeen qeybo kamid ah Xaafadaha degmooyinka Gobolka Banaadir, iyo Gobolada dalka Soomaliya.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Cabdi Kaamil Macalin Shukri oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyay ay ciidamada sameeyeen kagu dilay hogaamiyayaal sare oo ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.
Mudane Cabdi Kaamil Macalin Shukri Afhayeenka wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya ayaa sheegay in Holwgaladaas ay ahaayeen kuwa baaritaano ah iyo kuwa lagu bartilmaameedsanayay saraakiil ka Tirsan Ciidamada Al-shabaab.
“13-kii bishaan Holwgal gaar ay sameeyeen Ciidamada u tababaran beegsiga Al-shabaab waxa ay Howlgal isugu jirey weerar toos ah iyo mid duqeyn oo Mareykanka uu Fuliyay waxaa lagu qaaday degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhexe waxaa Howlgalkaas lagu dilay 3-sarkaal oo ka Tirsan Xarakada al-shabaab” ayuu Yiri Afhayeenka wasaaradda Amniga Gudaha.
Dhanka kale Afhayeenka wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Cabdi Kaamil Macalin Shukri ayaa tilmaamay in Degmooyinka Gobolka Banaadir ay ciidamada Amaanka ka sameeyeen Howlgal lagu soo qabtay dad loogu shakisan yahay kamid ahaanshaha Al-shabaab.
Degmooyinka Shibis,Xamar Jajab, iyo Deyniile ayuu sheegay Afhayeenka wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Cabdi Kaamil Macalin Shukri in laga soo qabtay dad loogu shakinsan yahay kamid ahaansha Xarakada al-shabaab.

