
Booliska dalka Zambian ayaa xiray in ka badan 130-qof kuwaas oo ka mid ahaa dad dhigayay banaanbaxyo loogasoo horjeedo dib u doorashada madaxweyne Edgar Lungu oo la sheegay in uu ku guulaystay madaxtinimada dalkaas markale.
Taageerayaasha xisbiga mucaaradka Hakainde Hichilema ayaa sheegay in doorashadu aysan u dhicin si cadaalad ah oo lagu shubtay codadkii la dhiibtay.
Dhanka kale Madaxweyne Lungu oo horay usoo ahaa madaxweynaha dalka Zambian ayaa markale ku guuleystay doorashada ka dhacday dalkaas dabayaaqadii usbuucii lasoo dhaafay.
Gudiga doorashada ayaa sheegay in Edgar Lungu oo ah ninka ku guulaystay doorasha kana socday xisbiga Patriotic Front (PF), uu helay codad gaaraya boqolkiiba 50.35 halka Hakainde Hichilema oo u tartamayay xisbiga mucaaradka United Party for National Development (UPND),uu helay boqolkiiba 47.67.




