Muwaadin Soomaliyeed oo Maxkamad Lagu Soo Taagay Magaalada Wellington ee Dalka New Zealand

0

Amin Mohamed, oo 25 jir ah ayaa Maxkamad lasoo taagay waxaana lagu helay sida ay maxkamadu sheegtay dambi laxariira in uu qorshaynayay in uu u safro dalka Siiriya si uu halkaas uga garab dagaalamo kooxaha dagaalka kawada dalkaas ee daacish.

Maxkamad sarre oo ku taala dalka New Zealand ayaa sheegtay Amin Mohamed ay ku cadaatay seddex dacwadood oo loo haystay oo ay ka mid tahay in uu doonayay in uu wadanka kale ka geysto dhaq dhaqaqyo Cadowtooyo ah.

Julian McMahon  oo ah qareenkii  difaacayay Amin ayaa cadeeyay in uu qirtay la duufsaday uuna doonayay in uu caawiyo dhalinyaro fikirkiisa oo kale aaminsanaa.

Balse Lesley Taylor, xeer ilaaliyihii dacwada ku oogayay Amin maxamed ayaa xusay in Amin uusan ka qoomamaynaynin dambiyadii uu galay islamarkaana uu sii wado in uu saxiibadiis iyo qoyskiisa u sheego in uu qorshaynayo dalka Siiriya sababo la xiriira dhinaca bini aadminimada.

Haween badan oo ah Ehelada wiilkaan maxkamada ka soo hormuuqday ayaa ku sugnaa maxkamada xiligii ay dacwadiisu socotay.

2013-kii ayaa Amin maxmed lagu xiray airporka magaalada Brisbane xili uu doonayay in uu u socdaalo dalka Turkiga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here