Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa maanta Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ka Furey Shirka wada tashiga dhameystirka Qorshaha Qaranka.
Shirka ay ka qeyb geli doonaan Guddiga tala bixinta horumarinta qorshaha Qaranka oo ka kooban Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, Ururka haweenka Qaranka, Ururka dhallinyarada, Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha Dalka iyo Wasiirada Dowlad goboleedyada.
Ugu horeyntii Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashia caalamiga ee Xukuumadda Soomaliya yiri Prof. C/laahi Sheekh Cali Qaloocow oo Furitaanka shirka ka Hadlay ayaa sheegay in shirkaan uu Muhiimad gaar ah uu leeyahay.
“Ujeedka shirkan waa in aan talooyin ku helnaa, wixii talo ah wasaaradu diyaar ayey u tahay iney qaadato oo aan ku darsano qorshaheena, si loo helo qorshe qaran oo dhameystiran”ayuu yiri Prof. C/laahi Sheekh Cali Qaloocow wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta Ee Dowlada Federaalka Soomaliya.

