Duqii Hore ee Magaalada Muqdisho Axmed Mude Xuseen  oo Maanta Geeriyooday iyo Aas Loo Sameeyay+Sawirro

0

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ku geeriyooday Allaha u naxariistee Duqii hore ee magaalada Muqdisho Axmed Mude Xuseen, xili maalmihii dambe uu xanuunsanaa.

Qaar kamid ah Ehelada Duqii hore ee magaalada Muqdisho Axmed Mude Xuseen ayaa sheegay in Mudooyinkii dambe uu xanuunsanaayay islamarkaana uu ku jirey Mid kamid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee  Axmed Mude Xuseen, ayaa soo noqday Duqii hore ee magaalada Muqdisho sanadihii 1958 iyo 1966 dii, waxaana la tilmaamaa in Marxuun Axmed Mude iyo Xasan ABshir Faarax ay yihiin labada ruux oo labo mar Muqdisho duq magaalo kasoo noqday.

Waxa kale Axmed Mude Xuseen, mar soo noqday Xildhibaan katirsanaa Dowladii hore ee Soomaaliya sanadka markuu ahaa 1969-kii, waxaana xiligaasi laga soo doortay Degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Isla Galabta ayaa aas qaran loogu sameeyay  Gudaha magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeyb galay aaska duqii Hore ee Magaalada Axmed Mude Xuseen  masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin Wasiiru dowlaha Cadaaladda Xasan Maxamed Xuseen Mungaab oo horay u soo noqday Duqa magaalada, Duqa xiligan xilka haya ee Magaalada Muqdisho ee xilligan Yuusuf Xuseen Jimcaale, Duqii hore ee Muqdisho Maxamed Cismaan Dhagaxtuur, Xuseen Cali Axmed, Xildhibaano, siyaasiyiin iyo dadweyne kale.

 

duq duq1 duq2 duq3 duq4 duq5 duq6

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here