Orodyahanka Britain balse asalkiisu yahay dalka Soomaaliga Mo Farah ayaa ku Guuleystay billada dahabka ah ee orodka 10,000m Tartanka Olymbika-da ee ka socda Magaalada Rio ee dalka Brazil.
Mo Farah ayaa Dhowr jeer kufay intuu socday Tartanka balse ugu dambeyn ayuu guuleystay xili uu taratan adag kala dhaxeeyay orodyahanka Kenya ee Tanui.
Mo Farah oo ah orodyahan British ah oo ku guuleystay saddex billadood oo dahab ah tartanka olombikada ayaa waxaa kufiyay orodyahana u dhashay dalka Maraykanka oo Lagu Magacaabo Galen Rupp oo ay isku macalinka yihiin.
Guushuu Gaaray Mo Farah ayaa ka dhigan in uu Noqday Ciyaaryahankii ugu Horeeyay ee haysta Dhalashada Britain ee ku Guuleysta 3-jeer Tartanka Orodada.















