Dhageyso:-Injineer Faysal Cali Waraabe oo Sharuud Adag ku Xirey  Aqoonsi ay Hesho Somaali-land

0

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe   oo waraysi gaar ah siiyey Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho  ayaa ku baaqay in Dib loo soo Celiyo 8-Gobal ee Dalka Soomaaliya uu ka Koobnaa wixii ka Horeeyey Midowgii Gobalada Waqooyiga iyo Koonfurta Jamhuuriyada Soomaaliya ee Sanadkii 1960.

Faysal Cali Waraabe    ayaa Tilmaamay Gobalada Koonfur iyo Waqooyi oo dib u midoobaa  Ku Xiran tahay Dib loogu laabto Hanaankii Dhanka Gobalada ee Xiligii Gumaysigii Islamarkaan Afti loo qaado Maamulka Soomaaliland uu la midoobo Soomaaliya inteeda kale iyo inay Noqoto Dal Madaxbanaan.

Dhanka kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe  ayaa Sheegay in  ay Muhiim tahay in Xoogga la Saaro sidii loogu heli  lahaa  Xasilooni Siyaasadeed iyo Amni  Gobolada Koonfurta dalka Soomaliya taasina ay sahli karto in aqoonsi ay hesho Somali-land.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here