Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ayaa caawa qabtay Gaari ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa.
Gaarigaan oo nuuciisu uu yahay Zuzuki ayaa waxaa lagu qabtay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qaybta lagu iibiyo Daawada, waxaana haatan socda Baaritaan.
Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Hay’ada Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka soomaliyeed waxay warbaahinta u sheegeen ka hor qabashada Walxaha Qarxa inay haayeen xogo ku aadan Gaarigaan iyo macluumaad kale oo dheeri ah.

