Wararka ka imaanaya Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa ku waramaya in halkaas ay ka dhacday Dhacdo Xanuun badan kadib markii Gabar 14 sano jir aheyd, kana mid ahayd Ardaydii wax ka baraneysay Dugsiga Hoose/Dhexe ee Imaam Shaafici ay Mindi Dhuunta isaga jartay.
Gabadhan oo lagu magacaabi jiray Nimco Axmed Jaamac ayaa Aroortii hore ee saaka la sheegay inay Mindi Dhuunta isaga jartay, taasoo ka dambeysay markii ay ogaatay inay ku dhacday imtixaankiii Fasalka 8-aad oo ardaydii gashay ay kamid aheyd.
Ehelada Nimco Axmed Jaamac ayaa sheegay inay aad uga welwelsaneyd maalmhii dambe natiijada imtixaankeeda oo dhawaan ay ka qaaday wasaarada Waxbarashada Maamulka Somali-land, waxayna ka mid ahayd arday dhan 603 oo ku dhacay imtixaankii laga qaaday dugisyada Gobolada Somaliland.
Isbitaalka ayaa loola cararay Nimca Axmed Jaamac oo dhaawac halis ah isu geysatay, Dhaqaatirta Isbitaalka ayaa sheegay in ay la Talacaalayaan Xaaladeeda Caafimaad.
Ardayda dhacday sanadkaan deegaanada Somaliland ayaa ahaa kuwii ugu badnaa imtixaan qura laga soo calaamadeeyo inay gudbi waayeen.

