
Laacibkii hore qadka dhexe ee kooxaha Real Madrid iyo Ac Milan Kaka ayaa sheegay in cadaadis weyn uu saaran yahay xidiga ugu qaalisan dhanka suuqa kala iibsiga ee Paul Pogba kadib markii lacago waali ah ay kusoo iibsaday kooxda Manchester United.
Laacibkii Hore ee Juventus Paul Pogba ayaa Noqday xidiga ugu qaalisan ciyaartoyda Dhanka suuqa kala iibsiga kadib markii 23-sano jirkaan ay Manchester United kusoo iibsatay aduun dhan £89million.
Xidiga reer France ayaa dib ugu soo laabtay Nolosha Old Trafford wuxuuna dhaafay Recordkii u yaalay dhanka suuqa kala iibsiga xidigaha Real Madrid Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale laakin laacibkii ku guuleystay sanadkii 2007-dii abaalmarinta Ballon d’Or Kaka ayaa aaminsan in cadaadiska ugu weyn uu saaran yahay Paul Pogba.
