Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in taliska booliska Soomaliyeed uu diyaariyay ciidamo gaar ah oo ka qayb qaadanaya suggida ammaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir inta ay socoto Doorashooyinka.
Waxa uu sheegay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi ciidamada Booliska ee ka shaqeyn doono ammaanka caasimada in la diyaariyay, iyagoo u dhameystiran qalabkooda ciidan islamarkaana ay ka hortagi doonaan waxyaabaha dhibaatada ku ah Doorashada.
“Waxaan diyaarinay ciidan si gaar ah u xaqiijiya suggida ammaanka Muqdisho, xiliyada ay dhacayaan doorashooyinka, waxaan qiimeyn ku sameynayey ciidamada ka howlgala degmooyinka gobolka, runtii si wanaagsan ayaan u diyaar garownay.”ayuu yiri Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi.
Mudooyinkii dambe amniga Caasimada Magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid aad u xun waxaa jirey dilal loo geysanayay shaqsiyaad u shaqeeya dowlada soomaliya, Laamaha amniga Gobolka Banaadir ayaa ku celceliya In ay wax ka qaban doonaan amni darada

