Agaasimaha Ciyaraha ee kooxda Barcelona Ariedo Braida ayaa cadeeyay in kooxda Barca ay aad u xiiseenaysay lasoo wareegitaanka Paul Pogba balse ay iska dhaaftay kadib markii lagu badiyay Lacagaha.
Paul Pogba ayaa aad u loola xiriirinaayay Naadiga Barcelona ka hor inta uusan Record waali ah ugu biirin kooxda Manchester United £93.8m Maalintii Talaado aheyd.
Ariedo Braida oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in kooxda difaacanaysa Horyaalka Spain ay aad u xiiseenaysay Pogba balse lacagta ay ku badisay naadiga Juventus ee dalka Talyaaniga.

