Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Xilkii Ka Qaaday Gudoomiyihii Degmada Kaxda C/ladiif Xasan Badawi.

0

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa),  ayaa xilkii loogu qaaday Gudoomiyaha Degmada Kaxda iyadoo Gudoomiyayaal kale la isku badalay.

C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa),  ayaa Gudoomiyaha cusub ee Degmada Kaxda u magacaabay Maxamed Ismaaciil Macalin.

Wareegto uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa waxaa la’isugu bedelay Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Xamar Weyne iyo Shingaani. C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab), ayaa ka hawlgeli doono Degmada Shingaani, halka Saciid C/qaadir Saciid uu isna u wareegi doono Degmada Xamar Weyne.

Is bedelka uu sameeyay Wasiir C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, ayaa waxay ka dambeysay soo jeedin kaga timid sida la sheegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani).

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here