Afhayeenka Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in bishaan Gudaheeda uu dalka Kenya booqan doono Xoghayaha Arrimaha Dibada dowlada Mareykanka John Kerry.
Manoah Esipisu Afhayeenka Madaxweynaha dalka Kenya ayaa tilmaamay in John Kerry uu kulamo la qaadan doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Amina Mohamed jibriil arrimaha uu kala hadlaayo waxaa kamid ah Amaanka Gobolka iyo Colaadaha ka jirta Koonfurta dalka Suudaan.
Kerry oo sanadkii Hore booqasho ku tagay dalka Kenya ayaa kala hadlay madaxweynaha dalkaas in aan la xirin xerada Dhadhaab oo ah xerada ugu weyn aduunyada madaama ay ku jiraan Soomali badan oo dalkooda ay colaadi ay ka jirto.
Balse dowlada Kenya ayaa ku adkeysatay in ay xiri doonto xeradaas kadib markii ay sheegtay in ay gabaad u tahay Al-shabaab oo dagaal kula jira Ciidamada Kenya ee qeybta ka howlgalka AMISOM.
Xoghayaha Arrimaha Dibada dowlada Mareykanka John Kerry ayaa May 2015-kii booqasho ku yimaado Magaalada Muqdisho wuxuuna noqday Xoghayihii ugu horeeyay ee booqasho ku yimaada Soomaliya iyadoo 20 Sano ay kasoo wareegatay markii askar Mareykan ah lagu dilay Gudaha Soomaliya.

