Madaxweynaha Khaatumo State oo ka Hadlay Wada-hadal ay kula Jiraan Somali-land

0

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Mudane Cali Khaliif Galeyr ayaa markii ugu horeysay ka  hadlay warar maalmihii ugu dambeeyay soo baxayay oo ku aadan in Maamulkiisa ay wadahadal kula jiraan Soomali-land.

Mudane Cali Khaliif Galeyr Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State  ayaa Tilmaamay in wada-hadalka ay kula jiraan Maamulka Somali-land in uu soo Bilowday Muddo ka hor islamarkaana haatan uu marayo  meel wanaagsan.

“Hadal Bilow ahaa ayaa meeshaas kasoo baxay anaga iyo Somali-land waxaa haatan inoo bilowday wadahadal aan kaga wada hadlayno waxyaabaha naga dhaxeeyo iyo kuwa anaga noo gaarka  ah ayuu yiri”, Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State.

Isagoo Hadalkiisa sii wata ayuu Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Mudane Cali Khaliif Galeyr ayuu sheegay in Maamulka Khaatumo in uu yahay Maamul matala dadka Gobolka Sool iyo Sanaag islamarkaana Somali-land ay isku hayaan Goboladaas.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Mudane Cali Khaliif Galeyr ayaa ku eedeeyay  Madaxweynaha Haatan ee Somali-land Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) mid gaar siiyay maamulka Khaatumo State Dhibaatooyin badan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here