Wakonta Kapunda waa gabar curyaan noqotay oo ku nool dalka Tanzania balse mucjisada lagu arkay ayaa ah in carabkeeda uu u yahay midka ay wax walbba ku qabsato.
Gabadhaan waxay xilligaa u socotay xafladeeda qalin jebinta ee Dugsiga Sare, ka dib dhawr bilood oo isbitaalka ay ku jirtay waxay noqotay curyaan, iyadoo naafo ka ah wixii ka hooseeya qoorta, Jazeerada Zanzibar, ayay hadda ka barataa sida shaashadaha wax loogu qoro, waxaana layaab leh sida dhakhsiyaha badan ay carabkeeda wax ugu qorto, iyadoo aan khalad samaynayn.
“Maalin ayaa waxaa soo dhacay teleefan dhabta ii saarnaa, hase ahaatee maanan qaban karin, waxaan ka fekeray qaabkii aan wejigeyga u adeegsan lahaa, waxaana ku taabtay dhabankayga, iyadoo uu bilaabay inuu ii shaqeeyo.”
“Marka waxaan ka codsaday qoyskayga in ay dhabta ii saaraan barkin iyo dhar, si teleefanka uu ugu dhawaado wejigayga, waxaa xigtay inaan carabka u adeegsado. Markii hore waxaa igu adkaa inaan carabka wax ku qoro, laakiin ku celcelis iyo taataabasho badan ka dib waan la qabsaday.”













