Macalinka Kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa su’aal ka keenay da’da weeraryahanka kooxda Manchester United Zlatan Ibrahimovic oo dhawaan kaga yimid kooxda Horyaalka dalka France ee Paris Saint-Germain.
Zlatan Ibrahimovic ayaa 50-Gool u dhaliyay kooxdiisa hore ee Paris Saint-Germain xili ciyaareedkii aynu soo dhaafnay isagoo si xur ah ugu yimid kooxda Manchester United bishii June.
“ Xaqiiqdii ma garanaayo waxa uu jiro Zlatan Ibrahimovic”, ayuu macalin Wenger u sheegay Website-ka kooxdiisa.
Manchester United-ka ayaa xili ciyaareedkii aynu soo dhaafnay ku dhameysatay kaalinta 5-aad iyadoo 5-dhibic ka hooseesay kooxda kaalinta 2-aad ee Arsenal.

