Zakaria Bulhan, oo da’diisu ay tahay 19 jir haystana dhalashada dalka Norwey balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Somaliya ayaa waxaa loo haystaa eedo laxriira dil iyo isku day dil waxaana lagu wadaa in maanta oo sabti ah maxkamad lasoo taago.
Zakaria Bulhan ayaa dacwadaha loo haysto waxaa ka mid ah dilka haweeney u dhalatay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Darlene Horton, 64-jir aheyd islmarkaana midi lagu dilay iyo dhaawaca 5 ruux oo kale oo kasoo kale jeeda Mareykanka, Ingiriiska, Israa’iil, iyo Australian oo sidoo kale midi lagu dhaawacay.
Habeenkii Arbacadii ayay ahayd markii weerar midi loo adeegsaday uu ka dhacay bartamaha magaalada London lagu dilay haweeney dalxiise Maraykan ah laguna dhaawacay 5 qof oo kale.
4 ka mid ah dadkii dhaawacmay ayaa lasheegay in dhaqtarka laga saaray kadib markii ladaaweeyay.

