Banaanbax uu soo qaban qaabiyay Ururka Haweenka Gobolka Banadir islamarkaana lagu dalbanaayo Qondada Haweenka ee Dowlada soo socota ayaa haatan ka socda Taalada Daljirka Dahsoon Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.
Banaanbaxa waxa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowlada soomaliya, Haween ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir oo muujinaya sida ay u diidan yihiin in la doodsiiyo Xaquuqda ay ku leeyihiin dowlada Soo socota.
Gudoomiyaha Ururka haweeenka ee Gobalka banaadir Marwo Jawaahir Baarqab ayaa idaacada simba kaga warbixiyay ujeedka ugu weyn ee Banaanbax maanta loo dhigaayo.
Hogaamiyayaasha Madashada Wadatashiga qaranka ayaa wali waxa uu kulan ugu socdaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya arrimaha loogu hadlaayo waxaa kamid ah sidii loo heli lahaa xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.

