Booliska dalka Kenya ayaa Xalay xaafada Islii degmada Kamakunji, ee magaalada Nairobi ku dilay Labo wiil dhalinyaro soomali ah oo lagu eedeeyay inay ka mid ahaayeen kooxo burcad ah oo Islii ka jira, kuwaas oo dhac iyo dilalba u geysta dadka ku dhaqan Islii oo ay Soomaalida ku jiraan.
Mas’uuliyiin ka Tirsan booliska dalka Kenya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhalinyaradaan soomalida ah in ay kamid ahaayeen burcada Xaafada islii islamarkaana ay toogteen ciidamada booliska oo howlgal ka sameenayay xaafadaas.
Ilaa hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Safaaradda Soomaliya ee dalka Kenya oo loogu hadlaayo dilka dhalinyarada Soomalida ah.

