C/rashiid Gaas:-“Ma jiro Wax Shir ah oo Looga Hadlayo Amniga Qaranka oo ka Furmay Kismaayo”,

0

Afhayeenka Kornel Cabdirashiid Macalin Gaas Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Gobalada Jubbooyinka ayaa ka soo Horjeestay Jiritaanka Shirka Siyaasada Amniga Qaranka Soomaaliya oo  la sheegay in uu ka Furmay Magaalada Kismaanyo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose.

Kornel Cabdirashiid Macalin Gaas ayaa Sheegay in Shirka Ka Furmay Magaalada Kismaayo uu yahay mid aan Qusayn Siyaasada Amniga Qaranka Soomaaliya waxa uuna Xusay in Shirkaasi uu yahay mid looga Hadlayo Dano gaar ah Isla markaana Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Ra’iisulwasaare ku xigeenka Xukumada Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ay ku yeesheen Guriga Madaxtooyada Kismaayo.

“Ma jiro Wax Shir ah oo looga hadlayo Amniga Qaranka oo ka Furmay Kismaayo laakiin Axmed Madoobe iyo Malayshiyaadkiisa waxaa u yimid Ra’iisulwasaare ku Xigeenka Xukumada Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo ay Wehliyaan Xubno kale oo Dowlada Federaal-ka ka tirsan waxaana ay ka wadada hadleen Dano ugaar ah ayuu yiri” Kornel Cabdirashiid Macalin Gaas

Ra’iisulwasaare ku Xigeenka Xukumada Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo maalin ka hor gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose  ayaa Shalay Daah furay Shir looga Hadlayo Siyaasada Amniga Qaranka Soomaaliya kaasi oo ay ka soo Qab Galeen Madaxda ugu Sareysa Maamulka Jubbaland.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here