Hogaamiyaha Cusub ee Xarakada Al-shabaab  Sheekh Abuu Cubeyda oo ka Hadlay Arrimo badan

0

Hogaamiyaha Cusub ee  Xarakada Al-shabaab  Sheekh Abuu Cubeyda  ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo guud ahaan bariga qaaradda Afrika tan iyo markii uu badalay sheikh C/raxmaan Abuu zubeyr oo ahaa hogaamiyihii Al-shabaab balse lagu dilay duqeymo ay fuliyeen Diyaaradaha Mareykanka.

Kalimadan oo cinwaankeedu yahay “Shahaada ama Shariicah” ayaa ah Kalimad Video ah oo soconeysa muddo 44 daqiiqo ah, wuxuuna sheekhu ugu horreyn Umadda ugu hambalyeeynayaa Munaasabadda Ciidda, ka dibna wuxuu soo hadal qaadayaa marxalada ay maanta ku jiraan Muslimiinta.

Hogaamiyaha Cusub ee  Xarakada Al-shabaab  Sheekh Abuu Cubeyda ayaa hambalyo u direy Hogaamiyaasha ururada Al-qaacida ee Dunida ka jira sida Hogaamiyaha Shaykh Al-Mujaahid Ayman Ad-Dawaahiri.

Sheekh Abuu Cubeyda Hogaamiyaha Cusub ee  Xarakada Al-shabaab   waxa uu ka hadlay dagaalka ka Socda Soomaaliya, Fariinta Ku Wajahan Umadda Soomaaliyeed, Xeerka Ay Ansixiseen Xukuumada Federaalka Soomaliya,

Wuxuu sidoo kale sheegay in dagaalka ay ku jiraan uu yahay mid soo jireen ah oo u dhexeeyey xaqqa iyo baadhilka, waa siduu hadal u dhigee islamarkaana uu yahay dagaalkii ay waalidiinteena la soo galeen shisheeyihii hore, “Marna ma dhicin in dadka Muslimiinta ah ay is dhiibaan Jihaadka aan maanta ku jirnana wuxuu la xiriiraa, Imtidaad iyo dhameystirna u yahay Jihaadkaas soo jireenka ah ee ay awoowayaasheen iyo Aabayaasheen kula soo jireen Gumeystihii xiligaas  joogtay dalka.

Sheekha ayaa aad ugu dheeraaday ka hadalka marxalad adag ee uu ku jiro wadanka, wuxuuna diray fariimo dhowr ah oo uu kula hadlayo dadka Muslimiinta ee Soomaaliyeed, Culimadooda, Ganacsatadooda, iyo aqoonyahanadooda, wuxuuna ku booriyey in ay indha firfircoon ku eegaan gumeysiga cusub ee uu ku jiro wadanka, Islamarkaana lala dagaalamo cadowga doonaya in wadanka uu qabsado.

Dhanka kale Hogaamiyaha Cusub ee  Xarakada Al-shabaab  Sheekh Abuu Cubeyda ayaa ka hadlay  xeerkii dhawaan la sheegay in ay meel mariyeen Golaha wasiirada Xukuumada Soomaliya kaasi oo uu ku tilmaamay In uu yahay mid lagu xumeynayo shacabka Islaamka.

ugu dambeyntii Hogaamiyaha Cusub ee  Xarakada Al-shabaab  Sheekh Abuu Cubeyda ayaa umadda Soomaliyeed kaga digay in ay ka qeyb galaan Doorashooyinka dalka soomaliya ka dhacaya sanadkaan 2016-ka.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here