Faah Faahin ku Saabsan Qaraxa Ka Dhacay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

0

Qarax Miino oo dhawaqiisa inta badan laga Maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banadir ayaa caawa ka dhacay dhabarka dambe ee Saldhiga Booliska Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Korneyl Bishaar Abshir Geedi, Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Banaadir, ayaa Warbaahinta u sheegay qaraxaasi inuu ahaa mid si qarsoodi ah loo-soo dhigay dhabarka dambe ee Saldhiga Degmada Waaberi, islamarkaana uu dhaawac fudud uu kasoo gaaray  ruux rayid ahaa oo goobta ka ak dhawaa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Korneyl Bishaar Abshir Geedi, Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Banaadir,   in halkaasi laga maqlay qarax labaad oo ahaa bambada nooca gacanta laga tuuro, mana jirto cid ay waxyeelo ka soo gaartay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here