Shirkii u Dhaxeeyay Odoyaasha Gobolka Hiiraan iyo Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo Fashil kusoo Dhamaaday+Dhageyso

0

Shirkii u dhaxeeyay Odoyaasha Gobolka Hiiraan iyo Madax ka socotay Urur Goboleedka IGAD ee maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolkaas  ayaa fashil kusoo dhamaaday.

Ugaas Cali Ugaas Muxumad Ugaas Shafeec Af-hayeenka odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in lagu kala kacay shirkii maanta ka  dhacay Magaalada Beledweyne kaasi oo u dhaxeeyay odoyaasha Gobolka Hiiraan iyo wafdi ka socday Urur Goboleedka IGAD uu Hogaaminaayay Danjire Maxamed Cabdi AFey iyo dowlada Ethopia .

Sababaha uu fashilka ugu yimaaday shirka ayuu ku sheegay  Ugaas Cali Ugaas Muxumad Ugaas Shafeec Af-hayeenka odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan  kadib markii Wafdiga IGAD u soo jeediyeen in odoyaasha ay aadaan Magaalada Jowhar ayna ka qeyb galaan shirka taasi oo ay ka hor imaadeen odoyaasha dhaqanka Hiiraan.

Sidoo kale Ugaas Cali Ugaas Muxumad Ugaas Shafeec Af-hayeenka odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa hadalkiisa ku daray in urur Goboleedka IGAD ay ka dalbadeen in la siiso 5-malmood oo ay kaga soo fikiraan in ay suurta gal tahay ka qeyb galka shirka taasi oo ay kasoo horjeesteen Wafdiga urur Goboleedka IGAD ka socday

Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa horey u diiday dalab kaga yimid Dowlada Soomaliya oo ku aadan ka qeyb galka shirka Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, Magaalada Beledweyne waxaa gaaray madaxda ugu sareysa dowlada soomaliya balse kulamo ay laqaateen Odayaasha ayaa kusoo dhamaaday Natiijo La’aan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here