Raisulwasaare ku-xigeenka Xukuumada Soomaliya Maxamed cumar Carte oo ay wehliyaan Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda, Taliyayaal ciidan, Xildhibaanno iyo Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe waxa ay maanta kormeer ku tageen qaar kamid ah xeryaha ciidamada maamulka Jubbalannd.
Maxamed cumar Carte Raisulwasaare ku-xigeenka Xukuumada Soomaliya ayaa Ciidamada ku jira Xeryaha ciidamada ee Magaalada Kismaayo kula dardaarmay in ay u istaagaan Difaacida dalkooda iyo Diintooda.
Raisul wasaare ku-xigeenka Dalka oo shalay gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa kulamo gaar gaar ah waxa uu la qaatay Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland,iyagoona isla soo qaaday xaaladda guud ee dalka.







