Dibad bax ka Dhan ah Weerarkii Lagu Qaaday Masjidka Nabiga NNKH oo Maanta ka Dhacaya Magaalada Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya waxaa maanta ka dhacaya Dibad bax ka dhan ah weerarkii dhawaan lagu qaaday masjidka Nabiga NNKH oo ku yaala Magaalada Barakeysan ee Madiina ee Dalka Sacuudiga.

Hay’ada Culimada Soomaliyeed bayaan dhawaan kasoo baxay ayaa lagu iclaamiyay dibad bax ka dhan ah weerarkii dhawaan lagu qaaday masjidka Nabiga NNKH oo ku yaala Magaalada Barakeysan ee Madiina ee Dalka Sacuudiga kaasi oo la ogaaday  Ragii ka dambeeyay.

Dibad baxa oo ka dhacaya sida qeyb badan oo kamid ah Muqdisho waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowlada Soomaliya iyo Culimada Soomaliyeed waxaa halkaas la jeedin doono hadalo u badan cambaareyn ku aadan weerarka lagu qaaday masjidka Nabiga NNKH oo ku yaala Magaalada Barakeysan ee Madiina ee Dalka Sacuudiga.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here