Ururka Suxufiyiinta Puntland ee marka Magaciisa lasoo gaabiyo looyaqaano MAP ayaa maanta lagu waadaa in ay Maxkamada Darajada Kowaad ee Maamulka Puntland ay u gudbiyaan dacwad ka dhan ah Wasiirka Warfaafinta Maamulkaas Maxamuud Soo Cadde.
Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Puntland Faysal Khaliif Barre oo warbaahinta kula hadlay bannaanka hore ee maxkamadda darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal ee magaalada Garoowe ayaa sheegay in Ururku uu Dacwad ka diyaariyey hanjabaadii Wasiirka Warfaafinta Puntland ayna maanta Maxkamadda horgayn doonaan, sidoo kale wuxuu Madaxweynaha Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ugu baaqay inuu dib u fiiriyo qorshaha siyaasadeed ee wasiir Soocadde uu Puntland ka damacsan yahay.
Maalmihii dambe waxaa jirey Fariimo Hanjabaad u badan oo kasoo yeerayay wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Soo Cadde oo dhawaan sidoo kale sheegay in la dilo doono warihii baahiya wararka siyaasiyiinta Puntland kasoo horjeeda.

