
Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlada soomaliya ayaa ka hadlay weerar qorshaysan oo dagaalyahano ka Tirsan al-shabaab ay xalay saqdii dhexe ay ku qaadeen Xerada Laanta Buuro, ee Gobolka Shabeelaha Hoose, oo aheyd xiligii dowladii dhexe ee soomaliya xabsigii ciidamada asluubta Soomaliyeed.
Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose, Ibraahin Aadan Najax oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay dhimashada 5-askari oo ka Tirsanaa ciidamada Xoogga dalka soomaliyeed ee ku sugnaa Xerada Laanta Buuro, ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
“Xalay 1:30 ayaa waxaa la soo weeraray Xerada ciidanka Laanta Buuro ay degan yihiin, waxaana soo weeraray Al Shabaab, runtii hadii aan weerarka sida uu u dhacay kaaga waramo difaaca hore ee Xerada ayaa waxaa lagu dhuftay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kadibna dagaal adag ayaa ka dhacay meesha oo dhowr saacadood qaatay, waxaana Shabaab markii dambe u suuragashay inay gudaha u galaan Xerada.”Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose.
Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose, Ibraahin Aadan Najax waxa uu qiray in Xrakada Al-shabaab ay qaateen saanad malatari iyo raashin yaalay Xerada Laanta Buuro, ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
