Ayadoo dhawaan warbixin ay soo saartay qaramada Midoobe lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka Kenya duqayn ay ka geysteen koofurta Somalia ay ku dileen dad gaaraya illaa iyo 29 qof ayaa dawlada Kenya waxa ay iska diiday dhibaatadaas ay dadka rayidka ah u geysatay.
Arrintaan ayaa waxaa ay ka dambaysay kadib duqayn dhinaca hawada ah oo ciidamada Kenya ay ka geysteen Koofurta Somaliya taasi oo la sheegay in dad rayid ah ay ku dhiteen kuwa kalana ay dhaawacyo ka soo gaareen.
Dhanka kale hal qof ayaa laga cabsi qabaa in lagu dilay weerar xarakada al-shabaab ay ku qaadeen gaari marayay meel u dhow degmada Mandeera, wararka ayaa sheegay in weerarkaan oo dhabagal ahaa uu ka dhacay inta u dhaxaysay degaanada Fino iyo Sheikh Barow halkaas oo gaari marayay ay weerar ku qaadeen rag la aaminsanyahay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab
Hay’adda bisha cas ee dalka Kenya ayaa sheegtay in gaarigaas uu gaari yar ahaa islamarkaana ay saarnaayeen dad illaa 6 qof ah,waxaana uu ku siijeeday degaanka Lafey kahor intii aan jidka loo gelin.

