Kooxda Lyon oo Beeniyay In ay Dalab ka Heshay Arsenal  oo ku Saabsan Xidiga Alexandre Lacazette.

0

Madaxweynaha kooxda Lyon  ee Horyaalka dalka France Jean-Michel Aulas ayaa warar been abuur ah ku tilmaamay xanta suuqa kala iibsiga ku jirta oo ah in arsenal ay ka heleen dalab ku aadan xidiga Alexandre Lacazette.

Alexandre Lacazette, ayaa 10-kulan kasoo muuqday xulka dalka France waxaa lala xiriirinayaa ku biirista kooxda arsenal ee Horyaalka dalka Ingiriiska kadib markii 48-goal uu u dhaliyay kooxda Lyon Labo xili ciyaareed uu ku sugnaa.

“Waan arkay Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger, kulankii ay ciyaarayeen xulalka dalka France laakin iima sheegin arrimahaas”ayuu u sheegay Madaxweynaha kooxda Lyon Jean-Michel Aulas majalada L’Equipe.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here