Ciidamada Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Dowlada Soomaliya qeybtooda Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wali waxaa u xiran idaacad maxali ah oo ku taala Magaaladaas.
Taliska Nabad sugida Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa u yeeray sida la sheegay Agaasimaha idaacada Radio City FM ee Magaalada Jowhar waxay ku wargaliyeen in la xiro idaacada ilaa amar dambe sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah wariyaasha ka howlgala Idaacadaas.
Intaas kadib waxaa idaacada gaaray daqiiqado kadib Ciidamo ka Tirsan kuwa Nabad sugida oo albaabaha iskugu dhuftay idaacada iyagoo sidoo kale qaatay kombuyuutaro yaalay idaacada.
Maxamed Abuukar C/raxmaan oo kamid ah wariyaasha Radio City Fm ayaa idaacada simba ee Magaalada Muqdisho kaga warbixiyay saameynta xariga uu ku yeeshatay.

