Kooxda Napoli ayaa heshiis la gaartay laacibka kooxda Lazio Antonio Candreva waa sida uu maanta warbaahinta u sheegay wakiilkiisa.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Talyaaniga ayaa haatan la tilmaamayaa In uu ku dhowyahay ku biirista Garoonka Stadio San Paolo, oo Napoli ay ku ciyaarto.
Kooxaha Chelsea iyo Inter Milan ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa xiisaha xidiga Lazio Antonio Candreva.
Madaxweynaha kooxda Lazio Claudio Lotito ayaa cadeeyay jimcihii in Antonio Candreva uu ku dhowyahay ku biirista kooxda Npoli.

