Ururka Midowga Afrika oo Shaaciyay Xiliga ay Ciidamada AMISOM ka Baxayaan Soomaliya

0

Sida uu qoray wargeyska Washinton Post Ururka Midawga Africa ayaa  qorshaynaya in ay kala baxaan Ciidamada ka jooga Somaliya dhamaadka sanadka 2020 kadib in mudo ah oo ay ku sugnaayeen Somaliya si ay u caawiyaan dawlada Somaliya.

Warbixin ay soo saareen Golaha Ammaanka iyo Nabada ee  Ururka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Ciidamada Amisom ee Somaliya jooga ay ka bixidoonaan sanadka 2020-ka ,kadib caqabado xiriir ah oo la sheegay in ay haystaan ciidamo gaaraya 22,000 ee jooga Somaliya oo wadamo kala duwan oo Africaan ah ka socda taasi oo la tilmaamay in ay ugu weyntahay mushaar la’aan soo wajahday.

Golaha ammaanka iyo nabada ee  Ururka Midowga Afrika  waxa ay sidoo kale sheegeen in  si tartiib tartiib ah loogu wereejin doono ciidama militariga Somaliya goobaha ay ka bixin doonaan Ciidamada Amisom inta u dhaxaysa 2018-ka illaa iyo December 2020-ka.

Go’aankaan ayaa ka dambeeyay markii Goloha Nabadda iyo Ammaanka Ururka Midowga Afrika ay yeesheen kulan looga hadlaayay Ciidamada Amisom ee Somaliya ku sugan dabayaaqadii bishii tagtay ee June 2016.

Madaxda Somaliduna waxaa la sheegay in aysan wax hadal ah ka bixin Go’aankaas sababo laxiriira munaasabadaha ciidul Fidriga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here