Maxkamad ku taala dalka Germalka ayaa waxa ay xukuno ku riday rag ay ku eedeysay in doonayeen in ay ku biiraan Xarakada al-shabaab ee Somaliya ka dagaalanta.
Ragaan la xukumay oo gaaraya illaa iyo shan nin ayaa waxa ay dhamaantoodba haystaan muwadinimada dalka Germalka, waxaana ka mid ah laba nin oo walaala ah oo asal ahaan kasoo jeeda Somaliya oo lagu kala magacaabo Abdullah, Abdulsalam iyo Abdiwahid waxaana ayaga iyo ragii la eedeysnaaba lagu xukumay xabsi u dhexeeya 3 sano iyo bar illaa iyo shan sano,
Xukunkaan ayaa waxaa riday maxkamad sarre oo ku taalay magaalada Frankfurt ee dalka Germany,waxaana ay ku eedeysay in ay xubno ka noqon rabeen koox xagjir ah oo dalka jarmalka dibadiisa ka dhisan.
Ragaan xukunka lagu riday ayaa la qabtay daba yaaqadii sanadkaan markaas oo ay sheegeen ciidamada dalka Garmalka in ay ka shakiyeen islamarkaan ay xabsiga u taxaabeen illaa iyo haddana lama sheeginn hadii ay qaadankaraan racfaan iyo hadii kale.
Nimankaa ayaa lagu eedeyay in sanadkii 2012-kii ay u safreen dalka Kenya halkaas oo ay uga sii gudbeen dalka Somaliya halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen in ka badan halso.

