Bishaar Abshir Geeddi:- “Al-shabaab Waxa ay Bilaabeen in Qaraxyada Kasoo Abaabulaan Masaajida”,+Dhageyso

0

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Gashaanle Sare Bishaar Abshir Geeddi oo Warbaahinta  la hadlay ayaa ku Eedeeyey Al-shabaab in Masaajida iyo Goobaha kale Cibaada ay ka soo Abaabulaan Dilalka iyo Falalka lidiga ku ah Amniga Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

“Al-shabaab waxa ay Bilaabeen inay Hub iyo Qaraxyo oo ay  Doonayaan inay Bulshada Soomaaliyeed ku Dhibaanteeyaan inay ku Diyaariyaan Masaajid Magaalada iyo Goobaha Cibaadada loo Asteeyey taas waa wax laga Xumaado Ciidamada Booliska Soomaaliyeedna waxa ay la Socdaan Dhamaan Dhaq-dhaqaaqyada ay Sameynayaan Al-shabaab” ayuu yiri Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geeddi.

Hadalka Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geeddi ayaa imaanaya Xili Shalay Galinkii Danbe Howlgal Ciidamada Booliska ay ka Fuliyeen ay ku Soo Qabteen Hub sida la sheegay lagu dhex qarinayay Minaaradda  Sare ee Masjidka ku Yaala Degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here