Aas aasaha Ilaalada Bulshada ay kuwada xiriirto ee Facebook, Mark Zuckerberg ayaa ka hadlay dilkii Philando Castile oo ahaa ninkii madowga ahaa oo ay toogteen Booliska Minnesota ee dalka Mareykanka.
Haweenay la socotay Castile, oo lagu magacaabo Diamond Reynolds, ayaa bilowday inay isticmaasho aalada Facebook stream kadib toogashada Castile, waxaana si toos ah facebooga looga daawanaya muuqal toban daqiiqo soconayay oo laga dhex arkayay Castile oo si xun u dhiig baxaya,
“Sawiradda aan arkay Todobaadkaan waa kuwa laga naxo oo argagax ku beeraya malaayiin bulshada kamid ah oo maalin walba ku xiran aalada Facebook. Waxaan raejynaa inaan arkidoonin mar dambe muuqaalka.” Ayuu yiri Mark Zuckerberg aas-aasaha Ilaalada Bulshada ay kuwada xiriirto ee Facebook.
Ciidamada Booliska Magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa toogasho ku dilay wiil madow Mareykan ahaa oo lagu magacaabi jirey Diamond Reynolds.

