Ra’iizul wazaaraha Yuhuuda Bin yamiin natan yaahu oo socdaal gaaban ku maraye qaar kamid ah wadamada dhaca Bariga afrika ayaa lagu wadaa in Magaalada adis ababa uu kula kulmo ra’iizul wazaaraha dalka Ethiopia Heyla Maryan Disalin.
Kulankaani labada ra’iizul wazaare waxa diiradu ku saarayaan xoojinta xiriirka labada dal, taageerista Ciidamada Ethiopia ee kamidka ah howlgalka AMISOM iyo heshiisyo kale oo labada dhinac kala saxiixanayaan.
Af-hayeenka dowlada Ethiopia Barakaat Simon ayaa warbaahinta dalkaasi u sheegay in socdaalka Natan yaahu uu yahay mid macna weyn ugu fadhiya sidoo kalane wax kusoo kordhin kara xiriirka Israel iyo Ethiopia.
Dowlada Ethiopia ayaa dhawaan shaaciyey in kumanaan muwaadiniinteeda ah kana mid ah Yuhuudda Ethiopia ay dhawaan aadi doonaan dhulalka Yuhuuda ay sida xoogga ah kaga heysato falastiiniyiinta si ay ula kulmaan hogaanka Yuhuudda.
Ra’iizul wazaaraha Yuhuudda ayaa socdaal ku yimid qaaradaan afrika horaantii todobaadkaani isagoona socdaalkiisa ku kala bixiyey wadamada Uganda, Kenya iyo Ethiopia oo uu hada ku sugan yahay waxaana xusid mudan in sadaxda dal uu tagay ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

