Deegaanada Soomaalida oo Maanta Si isku Mid ah Loogu Ciiday

0

Dhammaanba Deegaanada Soomaalida, ayaa waxaa maanta looga ciidayaa si isu midda, Kadib markii ay dadka dhameysteen Maalinta 30-aad ee Bisha Barakeysan ee ramadaan.

Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha, Puntland, Somaliland, Jabuuti, Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Gobolka Waqooyi Bari Kenya oo Soomaalidu degto, ayaa laga wada ciidayaa.

Magaalooyinka Xeraale, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan oo ay ka arrimiso Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa saakay waxaa laga tukanayaa Salaadda Ciidda, walow 29 maalmood oo keliya laga soomay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna waljameeca oo la hadlay  ayaa sheegay in laga iclaamiyay deeganada Maamulkaas in maanta ay tahay Maalinta Kowaad ee Ciidul Fidriga madaama dadka Gobolada dhexe ay dhameysteen 29-bari.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here