Qarax Qasaaro Dhaliyay oo ka Dhacay Magaalada Barakaysan ee Madiina ee Dalka Sacuudi Carabiya+Sawirro

0

Inta la xaqiijiyay 4-qof ayaa ku dhimatay Qarax xoogan, oo xalay laga maqlay Magaalada barakaysan ee Madiina ee dalka Sacuudi Carabiya.

Xarunta uu qaraxu ka dhacay, ayaa aad ugu dhow Masaajidka Nabiga (Caleehi Salaatu Wasalaam) ee Magaalada Madiina, kana mid ah meelaha ugu baraysan ee Islaamka, waxaa fuliyay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa sida Laamaha amaanka dalka Sacuudiga ee sheegeen.

Xilligii uu qaraxan dhacaayay, ayaa waxaa weerar kaloo ismiidaamin ahaa lagu qaaday Masaajid ku yaala Magaalada Qatif ee Bariga Sacuudiga, iyadoona ay ku tukadaan Shiicada Sacuudiga. Ninkii weerarka soo qaaday oo keliya ayaana ku dhintay.

Shalay ayay aheyd  markii qarax uu fuliyay naftii hure uu ka dhacay Xarunta Qunsuliyadda Mareykanka ee Magaalada Jeddah.

1467689475abb43 1467689483a2845 1467689484d84ec 14676894799d4b9 14676894807e4ae 146768947707ae5 146768947901a4d 146768948270e99 146768948641a02 14676894875994f

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here