Benjamin Netanyahu oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Kampala ee  Dalka Uganda(Daawo Sawiradda)

0

Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Kampala ee Caasimada dalka Uganda.

Mudane Benjamin Netanyahu, ayaa booqasho waxay ugu bilaabatay  dalka Uganda isagoo sii tagi doono wadamada Kenya, Itoobiya iyo Rwanda oo qaarada afrika ku yaala.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa booqday Garoonka Entebbe oo afduub loogu haystay 100 qof oo Israeli ah, ka dib markii hawada laga qafaalay diyaaraddii ay la socdeen oo ka duushay Israel.

Ciidamada Israel, ayaa xoog ku soo furtay laheystayaasha bishii July ee sanadkii 1976-kii, balse hawlgalkaasi waxaa ku dhintay nin la dhashay Ra’iisal Wasaaraha Israel, oo lagu magacaabi jiray Jonathan Netanyahu, kana ka mid ahaa ciidamadii Yahuudda ee soo furtay laheystayaasha.

1467669559f9c72 14676695460a01b 14676695516c3a6 14676695573ac4d 14676695616d9b6 146766955504d77 1467669540597dd 146766955221761

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here