Ciidamada Xarakada Al-shabaab oo La Wareegay Deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud

0

Ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah Howlgalka Amisom ayaa maanta isaga baxay deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud iyadoo gacanta ku heynta deegaanka ay la wareegeen Ciidamada Xarakada Al-shabaab oo dhawaan laga saaray deegaanka.

Gudoomiyaha Degmada Ceel-buur  ee Gobolka Galgaduud  ee Maamulka Dowlada Soomaliya Cabdi Xasan Biya-Quute oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Ethopia ay saakay faarujiyeen deegaanka Galcad islamarkaana ay haatan ku sugan yihiin dagaalyahanada Xarakada al-shabaab.

Mudane Cabdi Xasan Biya-Quute waxa uu Tilmaamay in Al-shabaab ay dab qabad siiyeen qaar kamid ah Guryaha ku yaala deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud oo ay lahaayeen dad shacab.

Mudooyinkii dambe waxaa deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud ka socday dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada Ethopia iyo kuwa Dowlada oo dhinac ah iyo Al-shabaab oo muddo ku sugnaa deegaanka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here