Qaraxyadaan oo ahaa laba qarax oo aad u waaweyn ayaa lala bartilmaameedsaday goobo Ganacsi oo ay dad shacab ah buuxeen.
Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhashay qaraxii koowaad kaas oo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay degmada Karada oo ku taala bartamaha Magaalada Baqdaad taas oo ah xaafad ay ku badanyihiin dadka Shiicada ah.
Tv-ga Aljazeera ayaa sheegay in ugu yaraan 79 qof ay ku dhinteen qaraxyadaan halka 132 kalana ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, dawladuna waxa ay sheegtay dadka ugu badan ee wax ku noqday qaraxyadaan ay yihiin Caruur iyo Haween.
Qaraxyadaan oo ah kuwii ugu xumaa ee mudooyinkaan ka dhaca dalka ciraaq ayaa lagu soo aadiyay xili ay daba yaaqo marayso bisha Barakaysa ee Ramadaan.






