Haweeney Soomali ah oo Lagu Eedeeyay Taageerida Al-shabaab oo Maxkamad Lasoo Taagay

0

Haweeneydaan ayaa lagu eedeeyay in ay taageero u fidinaysay Xarakada Al- shabaab kuwaas oo dagaalo ka wada Somaliya islamarkaana  ka mid aheyd howlwadeeno shabakad isku xiran  oo lacago kumanaan dollar ah diraysay dibadaha dalka Maraykanka.

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Amina Maxamud ayaa la sheegay in horay maxkamad loosoo taagay bishii November ee sanadkii 2014 ayna qiratay kiiskaan ku saabsan Taageerida Al-shabaab.

Xeer ilaaliyaasha gacanta ku haya dacwadaan ayaa sheegay in haweendaan ay qayb ka ahayd haween baraha internetka abaabul lagu taageerayo alshabaab ka sameeya sidoo kalana lacago gaaraya cel celis ahaan 500 oo dollar ayaa lagu eedeeyay in ay u dirijireen dalka Kenya taasi oo la ogaaday in lagu taakuleen jiray Xarakada Alshabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here